Mas’uul ka tirsan xisbiga Wadani oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Dec. 27 (Jowhar.com)-Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dishay mas’uul ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, iyadoo goobta ay ka baxsadeen dableydii weerarkan fulisay.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi ayaa ku jiray liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo xaqiijiyay dilka ninkaasi, ayaa laamaha amaanka ka dalbaday iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii weerarkan geystay, si cadaalada loo horkeeno.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri Cirro.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa mudooyinkan dambe faraha ka sii baxeysa, waxaana kusoo batay weerarada ay geysanayaan kooxaha hubeysan, mana muuqato wax talaabo ah oo ay arrintaasi ka qaaday xukuumada Muuse Biixi Cabdi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More