Maxaa ka jiro wararka sheegaya in Fahad Yaasiin loo fasaxayo kursiga Hop086?

May 29 (Jowhar.com)-Ilo ku dhow dhow Guddiga FEIT ayaa sheegaya in Guddigu qorsheynayo inuu saacadaha soo socdo uu fasaxo Kursiga #HOP086 oo horay doorashadiisa u hakiyay, kaasoo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee NISA.

Wararka ayaa sheegaya in wada hadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin, kaasoo hadda meel gabagaba maraya.

Guddiga FEIT oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay ugu guuleystay in la baabi’iyo natiijada rasmiga ah ee kursiga #HOP086, waxaana ay keentay in Fahad Yaasiin aan la siinin kaarka aqoonsiga iyo shahaadafa FEIT, oo sababtay in aanu ka qeyb qaadan doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha oo uu bannaan joog ka noqday.

Warar kale waxey tilmaamayaan in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee hoggaamiso Xaliimo Yaeeey ay qabanayaan doorashada kursiga Fahad iyo dhamaan kuraasta kale ee banaanaada, Xaliimo Yareey hore ayey u sheegtay in sharci daro tahay hakinta kursiga Fahad, iyadoo tilmaamtay in hanaanka uu ku soo baxay ay sharci tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More