Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

May 29 (Jowhar.com)-Taliyaha cusub ee hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta hay’ada.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka,wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga,taliyayaasha ciidamada booliska iyo Milatariga iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyaja cusub ee NISA Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu todobaadkii hore xilkaasi u soo magaaabay.

La wareegitaanka xilka hay’ada NISA ee Mahad Salaad ayaa ka dhigan inuu waayay kursiga xildhibaan, waxaana la filayaa in booskiisa la soo buuxiyo, iyadoo doorashada kursigaas lagu qaban doono magaalada Muqdisho, sida xogo aynu ku helnay.

Mahad Salaad oo kamida saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu isbedel deg deg ah ku sameeyo hay’ada, iyadoo saraakiisha hay’adaasi la sheegay iney aad ugu dhawaayeen sanadihii la soo dhaafay taliyihii hore Fahad Yaasiin, lama oga inuu taliyaha cusub ku milmo doono arrimaha siyaasada ama uu u masax banaanaan doono shqqadiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More