Maxkamada Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Labo Walaalo ah

August 22(Jowhar.com)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba nin oo walaalo ah iyo Haweeneey, kuwaas oo loo heysto inay diyaariyeen qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim lugbuur iyo Wiilkiisa, kaas oo 29-kii Bishii July lagula beegsaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in qaraxa lagu dilay Wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed & Wiilkiisa uu abuubulkiisa lahaa Maxamed Meeris Ibraahim oo maqane ah kana mid ahaa ragii ka baxsaday Xabsiga Magaalada Boosaaso xilligii ay weerareen Al-Shabaab.

Ibraahim Meeris Ibraahim ayaa Xeer ilaalinta ay sheegtay in uu ahaa fuliyaha qaraxa, isla markaana ay ehelo dhow ahaayeen wasiirka oo dhowr mar uu ka soo bedbaaday markii ay xireen Hay’adaha Amniga, isaga oo qaraxa miino ugu aasay wadadii uu Wasiirka soo mari jiray xilliga uu u socdo masaajidka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ibraahim Meeris Ibraahim & maqane Maxamed Meeris Ibraahim oo wada dhashay lagu xukumay dil toogasho halka Falastiin Aadan Shuceyb lagu riday xukun ah 15 sano oo Xabsi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More