Maxuu ku dhamaaday kulankii Fahad Yaasiin uu la yeeshay Saraakiisha ciidamada

Agaasimihii hore ee Nabad Sugida Fahad yaasiin Xaaji Daahir ayaa xalay kulan la yeeshay taliyaasha ciidamada oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Milatariga Gen Odowaa,Taliyaha ciidamada Booliska Gen Xijaar,Taliyaha Nabad Sugida ee dhawaan uu magacaabay Farmaajo iyo taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin hadal jeedintiisa xalay ee kulankii sagootinta ee Xarunta NISA waxay isugu jireen dardaaran iyo ilaalinta sumcada hey’adda.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka haddana uu u magacaabay Farmaajo La taliyihisa amniga ayaa kulankan ka sheegay in saraakiil dambiyo waa weyn galay oo Maxkamad mudnaa in sumcadda hey’adda darteed la isaga dhaafay, hase yeeshee ma carabaabin magacyada saraakiishaas.
Isagoo la dardaarmayay sarakiisha uu la kulmay ayuu u sheegay Fahad Yaasiin inay isku xirnaadaan, isagana uu niyadda kala joogo,

Sidoo kale wuxuu u caddeeyay in qofka Hey’adda madax ka noqon doono uu ka imaanayo isla hey’adda, taasoo hadalkiisa ka muuqatay in aanu aheyn labada dhinac ee ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aanay aheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More