Meydka Fanaankii Cumar Xasan Rooraaye oo lagu aasay Hargeysa

Apr. 23 (Jowhar.com)-Allaha u naxariistee fanaankii caanka ah Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay oo shalay galinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaal magaalada Hargeysa.
Allaha unaxariiste Cumar Xasan Rooraye ayaa ka mid ahaa heesaagii iyo jilayaashii hobolladii Waaberi ee Soomaliyeed.

Aaska marxuumka Cumar Xasan Rooraaye ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland iyo qeybaha kale ee bulshada, iyaga oo Eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Cumar Xasan Rooraaye ayaa ku dhashay magaalada Cadan isagoo markii dambe u soo wareegay dalka Jabuuti halkaas oo uu ka mid noqday ciidamada gumeystihii Faransiiska balse horaantii lixdameeyadii ayuu yimid magaalada Muqdisho halkaas uu ka mid noqday ciidamada xoogga dalka waxana uu ka mid ahaa fanaaniin lagu aasaasay kooxdii Horseed ee ciidamada sanadkii 1965-tii balse sanadkii 1974kii ayuu ka mid noqday kooxdii Waabari ee caanka ahayd.

Rooraaye mudadii dheerayd ee uu ku jiray hawlihiisa shaqo waxa uu ka soo muuqday riwaayado badan oo riwaayado ah, waxaanu soo saaray heeso badan oo ay ka mid yihiin “Wiil Waal”, “Dhirtu kala udgoon badan,” “Maxaa ii dane aan dooniye adi iiga daran,” iyo “Talo Mudan” iyo “Dibutaati inaan noqdaan doonayaa” kuwo kale.

Waxa uu heeso la qaaday fanaan ay ka mid yihiin Khadra Daahir Cige, Aamina Cabdullaahi, Saynab Xaaji Cali Bahsan, Xaliimo Khaliifa Cumar Magool, iyo Sahra Siyaad.

Geerida Marxuumka ayaa ku soo beegantay hal bil uun kaddib markii ay geeriyootay Aamina C/llaahi Xersi, oo ahayd fannaanad kale oo fanneed oo Rooraaye ay iska kaashadeen. Marxuum Aamino Cabdulaahi Xirsi ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More