Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay Shirweyne Wadatashi

Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay qabsoomida shirweyne Wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan waxgaradka Soomaaliyeed, si loo taabba geliyo shirweynahaas ayaa waxaa la magacaabay labo guddi oo isugu jira

Guddiga qaban qaabada shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.
Qoraal ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay u caddaatay in Mas’uuliyiinta heer Federaal iyo dowlad goboleed aysan dan ka laheyn doorasho hufan oo daah furan, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo.

Shirweynaha ay iclaamiyeen Musharaxiinta ma sheegin xilliga uu qabsoomayo iyo magacyada labada Guddi ee qaabilsan qaban qaabada iyo amniga shirweynaha.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka uu soo saaray Midowga Musharaxiinta;

 

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natijadeedana la isla oggol yahay.

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan
shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan.

Sidoo kale ayuu Goluhu 10 December 2021 soo bandhigay sida lagu sixi karo doorashada, wuxuuna ku baaqay in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.

Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa Joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo.

Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed.

Si loo taabba geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa.
1-Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha
2-Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More