Midowga Musharaxiinta oo kulan fogaan aragga layeesha Wakiilada Beesha Caalamka

Midowga Musharaxiinta ayaa kulan dhinaca fogaan aragga ah waxa ay kula yeesheen wakiilada Beesha Caalamka iyagoo ka wadahadlay dardargelinta doorashada golaha shacabka.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan;

“Waxaan maanta kulan kula qaadanay aaladda fogaan aragga wakiilada Beesha caalamka, waxaana ka wada hadalnay dardar galinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka BFS.

Waxaan la wadaagnay aragtida Golaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gabogabeeyo doorashada si dalkeenu horay ugu socdo.

Waxaan beesha caalamka uga mahad celinay kaalmada ay siinayaan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo gaaro nabad waarta iyo horumar.”

Midowga Musharaxiinta ayaa walwal weyn ka muujinaya sida ay u jiitameyso qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka iyadoo jadwalkii udambeeyey ee la soo saaray oo ahaa in 16ka bishan ay bilaabato doorashada Golaha Shacabka uusan dhaqan gelin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More