Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta ciidamada xoogga dalka ee Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug ayaa uu ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay argagixisada iyo nabad diidka uga difaacayaan dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ciidamada ku boorriyay in ay sii labo jibbaaraan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan, madaama ay yahiin mid kamid ah cududa u xilsaaray difaaca nabad galyada Dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalka ay ka muujiyeen difaacida dalka waxana uu sheegay in marwalba ay dowladu ka soo horjeedo dadka qalqal gelinaya amniga dalka.
Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More