Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay magacaabida Ergeyga cusub ee Midowga Afrika oo loo magacaabay Madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama.

Qoraal ku qornaa luqadda English oo ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu soo dhoweeyay magacaabida Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Musharaxiinta ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan Ergeyga Midowga Afrika John Maha.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo Babatunda Taiwo oo ahaa Madaxa Arrimaha siyaasadda ee howlgalka Midowga Midowga Afrika ee AMISOM oo haatan loo magacaabay La Taliye sare arrimaha siyaasadda ee Kooxda dhex dhexaadinta Midowga Afrika.

Mr Taiwo ayaa lagu eedeeyay inuu si taban uga qeyb qaatay qalalaasaha siyaasadeed, kuna xadgudubay waajibaadkiisa intii uu ka mid ahaa hoggaanka AMISOM, waxaana ay Midowga Musharaxiinta walaac ka muujiyeen dhex dhexaadnimadiisa shaqadan muhiimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More