Mulaxamiiste Cabdikariin Faarax Jiir oo geeriyooday

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaankii Weynaa ee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir, oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay.

Allaha u naxarisitee Cabdikariin Jiir ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay.

Alle ha u Naxariistee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir ayaa ahaa Abwaan iyo laxamiiste, kasoo qeyb qaatay horumarinta Fanka xilligii barisamaadkii, waxaana hadda uu katirsanaa Madaxda Hobolada Qaranka Waaberi.

Cabdikariin Jiir ayaa ka mid ahaa fanaaniinta farokutiriska ah oo dalka aan ka bixin soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More