Munaasabad lagu daahfurayay Bangiga Dhiigga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Aug. 05 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si wadajir ah xarigga uga jarey Xarunta Bangiga dhiigga Qaranka ee Soomaaliya.

Munaasabadda heerkeedu sareeyey ee xarig jarka Bangiga dhiigga waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiri dowliyaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Cabdijaliil, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlanaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiillo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya,Xubno ka socday xafiisyada kale ee Dowladda, Agaasima waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhismaha Bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa taas oo qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Dhismaha Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda Danqaran ee ku qeexan qorshaha Qaranka, sidoo kale waa tallaabo inoo sii dhawaynayo yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto Caafimaad haqab-tiran.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in bangigan uu fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinga Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka badnaadad u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna Bangigan ka qayb qaadan doonto in ay fududaado bixitna adeegga Caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegey in dhamaystirka iyo dib usoo noolaynta Bangiga dhiigga uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha muuqda ee Caafimaadka Soomaaliya kor u qaadi kara, sidoo kalena waxa uu ugu hambalyeey Wasaaradda Caafimaadka dedaaladda isdaba joogga ah ee ay ku horumarinayso nidaamka Caafimaadka.

“Wasiirka Caafimaadka waxyaabihii aan ku heshiinay ee uu ballanqaadey waxaa ka mid ahaa hirgellinta Bakhaarka Kheydka Daawada iyo Bangiga dhiigga, runtii waa uu ka baxsaday ballamihii uu nala galay sanad ka hor”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mashruucan muhiimka ah ee dhismaha Bangiga dhiigga Qaranka waxaa maalgelliyey Sweden Switzerland Finland iyo Italy iyadoona lasoo marsiiyey Hey’adda UNFPA, Dowladdahan ayaa waxay ka mid yihiin dowladaha taageera qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an waxaa ka go’an horumarinta iyo tayeynta Caafimaadka si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More