Munaasabad lagu mideeynayay adeegyada shirkdaha Rikaab iyo Faras oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadani si heer sare ah loo soo agaasimay agu mideeynayay adeegyada shirkadaha rikaab iyo faras oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay madaxda ugu sareysa shirkadaha ganacsi ee dalka masuuliyiin ka socday rugta ganacsiga warshadaha, bahda waxbarashada, dhalnyaro haween iyo marti Sharaf kale.

2-da shikradood ayaa munaasabadda ku soo bandhigay midowgooda iyadoona masuuliintii u hadlay ay sheegeen in magaca Rikaab ay hada kadib isticmaali doonaan.

App-ka Rikaab ayaa macaamiisha waxaa ay ka dalban karaan Taxi, Cunto, Gas, Alaab geyn, iyo dhamaan adeegyada ay uga baahanyihiin suuqa si fudud iyadoo shirkaddu ay kuu sameyneyso qaadis iyo keenis.

Ugu horeyn waxaan xaflada daah furay Maxamed Cabdulaahi Maxamuud maamulaha guud ee shirkada Rikaab oo faahfaahiyay mideeynta adeegyada shirkadaha Rikaab & Faras asagoo sheegay wixii maanta ka dabbeeya in ay macaamiisha si fudud oo sahlan ku heli doonaan adeegyada Rikaab.

Maxamed Muuse oo ka socday machadka hal-abuurka jaamcadda Simad iyo Eng Cabdirisaaq Cabdule Warsame oo ka socday jaamacadda Jamhuuriya ayaa bogaadiyay isku biirida shirkadaha faras iyo rikaab.

Maxmaed Cabdi Maajid oo ku hadlayay afka ganacstada macaamisha la ah shirkada faras ayaa sheegay in markii shirkadaasi timid ay u fuduaatan in macaamiishooda ay si fudud ku gaarsiiyaan adeegyadii ay uga baahnaayeen.

Gudoomoye ku xgeenka hormuud salam faoundatio Cabdiraxmaan Ibrahain Cilmi (kobac) iyo Saciid Macalin Abuukar oo ka socday Salaam Somalo Bank ayaa sheegay in faa’iido u tahay bulshada isku biirista 2-daan shirkadood.

Agaasime ku xigeebka rugta ganasiga iyo warshadaha prof Ciise Maxamuud ayaa shirkadaha midoobay faras iyo rikaab kula dardaarmay in ay halkaas kasii wadaan ayna soo dhaweynayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More