Munaasabad lagu sagootinayay arday ka tirsan Jaamacada Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada(Sawiro)

July 01 (Jowhar.com)- Arday ka tirsan jaamacadda Muqdisho oo diraaso ku soo qaadanaya dalka Turkiga ayaa xaflad sagootin ah maanta loogu sameeyay xarunta jaamacadda.

Ardaydan oo isugu jira Baaj iyo Master ayaa ku baxaya barnaamijka Erasmus ee arday isdhaafsiga wadamada Yurub oo jaamacadda Muqdisho ay heshiis kala gashay jaamacaddo ku yaala dalka Turkiga.

Ardaydan oo lagu soo xulay kaalimaha ay galeen ayaa Semester ku soo qaadanaya Jaamacadda Sivas Turkiga waxaan xigi doona in arday Turki ah ay ayana waxbarashadooda ku qaadaan doonaan Jaamacadda Muqdisho.

Madaxa xafiiska arrimaha ardayda ee jaamacadda muqdisho Muuse Axmed Cabdalla ayaa sheegay ahmiyada uu barnaamijkan uu u leeyahay ardayda soomaaliyeed iyo kuwa urkiga

Gudoomiye kuxigeenka arimaha waxbarashada Dr Cali Daahir Maxamed ayaa ardayda kula dardaarmay inay howsha loo diray kamira dhaliyaan tusaalena u noqdaan ardayda iyaga ka dambeeya ee badalidoonJaamacadda Muqdisho oo la furay 1997 ayaa heshiisyo kula jirta jaamacaddo caalami ah oo ay ka wada shaqeeyaan cilmi baarista, aqoon isdhaafsiga iyo tayaynta waxbarashada sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More