Musharaxiin la siiyay shahaadada diiwaangelinta Golaha shacabka

Qaar ka mid ah musharaxiinta Xildhibaanimada Golaha Shacabka ayaa bilaabay inay qaataan shahaadada musharaxnimo.

Labo ka mid ah shanta kursi ee uu shaaciyay Guddiga doorashada Galmudug ayaa qaatay shahaadada diiwaan gelinta.

Yusuf Geelle Ugaas Dhagey oo dhowaan iska casilay Xilkii Senatarnimo ee Aqalka Sare ayaa loo diiwaan geliyay Musharax Xildhibaan Kursiga #HOP026 oo horay ugu fadhiday gabar lagu magacaabo Ikraan Absuge.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna qaatay shahaadada Kursiga isaga ku fadhiyay #HOP104 oo uu mar kale u tartamayo.

Waxaa la filayaa in dhawaan sidoo kale musharaxiin u tartamaysa kuraasta Golaha Shacabka la siiyo shahaadada diiwaangelinta.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa ku qulqulaya musharaxiin iyo dadweyne badan oo doonaya inay ka qeybnoqdaan doorashada Golaha Shacabka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More