Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay meydka Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika oo xalay weerar is qarxin ah lagu dilay magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa salaadda janaasada lagula tukaday masjid ku yaalla madaxtooyada, waxana salaadda janaasada dadkii ka qaybgalay kamid ahaa Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

Maydka Marxuumka ayaa markii dambe lagu aasay xabaallo ku yaalla Isbitaalka Xoogga halkaas oo ay joogeen xubno ka tirsan dawladda, weriyayaal, ehellada iyo saaxiibada marxuumka.

Cabdicasiis Afrika oo ayaa xalay fiidkii isagoo ka soo baxay makhaayad uu u casho tagay, waxa gaarigii uu la socday isku qarxiyay qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey, waxana soo gaaray dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdicasis Afrika ayaa u qorsheysneyd inuu maanta u ambabaxo dalka Hindiya.

Sidoo kale waxa ku dhaawacmay qaraxa madaxii telifishanka dawladda iyo darawal u shaqaynayay wasaaradda warfaafinta.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Cabdicasiis Afrika, iyagoo soo weriyay inay u haystaan dillal loo gaystay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.

Weriye Cabdicasiis Afrika waxa uu ka mid ahaa weriyaashii ku biirey warbaahinta dowlada isagoo ka hor ka soo shaqeeyay idaacadaha gaarka loo leeyahay.

Waxa uu si gaar ah ugu soo caan baxay waraysiyada laga qaado xubnaha laga qabto Al-Shabaab kahor inta aan maxkamad la gayn iyo kadib marka xukun lagu rido, waxana barnaamijka uu waraysiyadaas uu ku qaadi jiray la yiraahdaa Gungaar.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More