Muuse Biixi oo amray in la joojiyo dhismo uu Maayir Mooge ka waday Hargeysa

April 28 (Jowhar.com)-Madaxweyne Biixi, ayaa amray in la joojiyo dhismaha xarunta degmada 26 june oo dawladda hoose ee Hargeysa ka dhisay suuqa xisbiga.

Biixi, ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in laga dhiso xarunta goobtaasi iyagoo ku doodayo in dad danyar ah ku ganacsadaan.
Maayir Mooge, oo Hargeysa ka maqan ayaan la ogayn tallaabada uu qaadi doono.

Go’aanka madaxweynaha waxa ku dhawaaaqay wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Mustafe Godane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More