Muxuu ka yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulankii xalay is cafinta ahaa ?

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo haatan loo doortay xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay kulan xalay la isugu geeyay xildhibaano dhawaan lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maqribkii caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa waxa uu soo dhigey qoraal bartiisa Facebook isagoo ugaga hadlay kulankii xalay dhex maray Xildhibaan Saadaq Joon iyo Xildhibaan Kulane Jiis.

Qoraalka ayuu ku bilaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur;

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay.

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.

Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto. Tani maaha mid ka hor joogsanaysa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado.

Siyaasi walba waxaa maxkamad dadwayne u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid ah tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More