AUSSOM oo beenisay in diyaarad helicopter ah Shabaab uga soo rideen Xawaadley

Jun 03 (Jowhar) Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in Ciidamadii Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley, oo ku yaalla waqooyi-bari Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si nabad ah loo soo daad gureeyay sababo la xiriira fatahaad culus oo ka dhacday deegaanka.

Sida hadalka u dhigeen, Intii lagu guda jiray daad guraynta Isniintii, mid ka mid ah helikobtyarrada ayaa farsamo ahaan cilad soo wajahday. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaashu si xirfad leh ayay diyaaradda ugu jiheeyeen si nabad ah oo ammaan ah inay ku degto.

Waxey kaloo sheegeen in dhamaan Ciidamada iyo shaqaalaha diyaaradda ay si guul leh loogu daad gureeyay saldhigga ugu dhow ee milateri, mana jirto cid dhaawac ama waxyeello ah oo la soo war geliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More