Bill Gates oo $200 bilyan ku maalgelinaya Qaarada Afrika
Jun 03 (Jowhar)-Aasaasaha Microsoft. Bill Gates ayaa sheegay in hantidiisa oo dhan $200bn (£150bn) ay ku bixin doonto horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada Afrika 20-ka sano ee soo socda.
69-jirkan oo ka hadlayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa ugu baaqay hal-abuurka da’da yar ee Afrika inay ka fikiraan sidii loo dhisi lahaa Caqli Macmal ah (AI) si loo horumariyo daryeelka caafimaadka ee qaaradda.
Gates ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu bixin doono 99% hantidiisa faraha badan marka la gaaro 2045, marka oo uu qorsheynayo inuu soo afjaro howlihiisa.
Gates wuxuu sheegay in aasaaskiisa, oo taariikh dheer ku leh Afrika, uu diiradda saari doono horumarinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.
Marwadii koowaad ee hore ee Mozambique Graça Machel ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqistiisa, iyadoo sheegtay in ay ku soo beegantay waqti adag.
Dowladda Mareykanka ayaa joojisay kaalmadii ay siin jirtay Afrika, oo ay ku jiraan barnaamijyo lagu daweynayo bukaannada qaba HIV/Aids, taasoo qeyb ka ah siyaasadda “America First” ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, taasoo sare u qaadeysa walaaca laga qabo mustaqbalka daryeelka caafimaadka ee qaaradda.
Farriin uu u diray hal-abuurayaasha da’da yar, maalqabeenka teknolojiyadda ayaa xusay in taleefannada gacanta ay isbeddel ku sameeyeen bangiyada Afrika, wuxuuna ku dooday in AI ama caqliga macmalka ah hadda loo isticmaalo faa’iidada qaaradda.
Mu’asasada Gates ayaa sheegtay in ay leedahay saddex arrimood oo kala ah: soo afjaridda dhimashada laga hortegi karo ee hooyada iyo dhallaanka, in la hubiyo jiilka soo socda in ay koraan iyaga oo aan la ildaran cudurrada faafa ee dilaaga ah, iyo in malaayiin qof laga saaro faqriga.
Haddii uu bixiyo boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waxa uu Gates noqonayaa qofka shanaad ee ugu taajirsan adduunka sida laga soo xigtay Bloomberg.
Gates wuxuu aasaasay Microsoft 1975, shirkaddu waxay si dhakhso ah u noqotay xoogga ugu sarreeya ee software iyo warshadaha kale ee teknolojiyadda.
Gates ayaa si tartiib tartiib ah uga baxay shirkadda tobannaankii sano ee la soo dhaafay, isagoo iska casilay madaxii fulinta ee shirkadda sanadkii 2000 iyo weliba xilka guddoomiyenimada sanadkii 2014.