Trump”Putin waxa uu ka jawaabi doonaa weerarkii Dronska ee Ukraine”

Jun 05 (Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digey in Vladimir Putin uu jawaab adag ka bixinayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka.
Trump oo hadlay kadib markii uu taleefoon kula Sheekeystey madaxweynaha Ruushka ayuu yiri: “Madaxweyne Putin wuxuu ii sheegay inuu jawaab adag ka bixin doono weerarkii dhawaan lagu qaaday garoomada diyaaradaha dalkiisa.”

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA Novosti, ayaa sheegtay in Putin uu u sheegay Trump in Ukraine ay isku dayday in ay burburiso wada xaajoodka, isla markaana xukuumadda Kyiv ay isu beddeshay urur argagixiso.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isweydaarsaday fikrado ku saabsan rajada laga qabo dib u soo celinta iskaashiga ka dhexeeya.

Wadahadalka labada hogaamiye ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii Ukraine ay qaaday weerar lama filaan ah oo ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka kuwaasoo si dhuumaalaysi loo geliyay gudaha dalka Ruushka.

Kaaliyaha madaxweynaha Ruushka Yury Ushakov ayaa sheegay in Trump uu u sheegay Putin in Maraykanka aan lala socodsiin arrimaha weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarka ayaa noqday kii ugu cuslaa ee lagu qaado dalka Ruushka tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.
Ukraine ayaa sheegtay in weerarkan ay ku burburisay inkabadan afartan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More