Wasiir Fiqi;”Amniga Caasimada waxaa laga ilaalin karaa labada Shabelle”

Jun 04(Jowhar)-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula wareegayeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Muungaab iyo Guddoomiyihii hore Amiir ayaa ka hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka gobolka Banaadir.
Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in ammaanka gobolka Banaadir laga ilaalin karo gobolada Shabelaha Dhexe iyo Shabelaha Hoose.

“Ammaanka gobolka Banaadir oo ah gobol ay ku nool yihiin illaa 4 malyan oo ruux ma aha in laga ilaaliyo Deyniile,Kaxda iyo Huriwaa balse waa in labada Shabelle laga difaacaa.”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday dagaal dhawaan ka dhacay degmada Xawaadley ee gobolka Shabelaha Dhexe halkaas oo ay la wareegeen Alshabaab.

“In xawaadley ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka baxay shabaab ayaa galay la yiraahdo xamar laguma joogi karo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Axmed Macalin Fiqi oo 1dii bishii hore la wareegay xilka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dhawaan bilaabi doono howlgalo loogaga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Alshabaab gobolada Shabeelooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More