Gudoomiye Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyay shirka baarlamaanada Carabta

May 04(Jowhar) Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaasha Baarlamaanadda wadamada Carabta, waxaana sanadkan shirka looga hadlay arrimaha guud ahaan wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanadda carabta, guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ee shirka ka qeyb galay, Dowladda Algeria oo shirka sanadkan martigelineysa iyo guud ahaan shacabka wadankaasi soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naansho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeedana tahay Qudus.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbadiisa kusoo hadal qaaday isbedelada wadamada Carabta, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay xaalada wadanka suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaanada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhamaan ujeedooyinka iyo sidoo kale hadafyada horumarin dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ka qeybgalka shirweynahan waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo sidoo kale Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More