Kulankii baarlamaanka ee maanta oo baaqday iyo kulamo gaar gaar ah oo socda
May 03 (Jowhar)Waxaa maanta baaqday kulan ay lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomalaiya, kaasoo ka dhici lahaa xaruntooda Villa Hargrysa.
Fariin shalay galab loo diray mudanayaasha ayaa loogu sheegay inuu jiro kulanka golaha shacabka, balae xalay fiidkii ayaa loo diray fariin kale oo lagu leeyahay kulankio wuu baaqday, wuxuuna dhici doonaa maalinimada Isniinta ah.
Baaqashada kulanka ayaa lala xiriiriyay xiisadda culus ee wali ka dhex taagan xildhibaanada iyo gudoomiye Aadan Madoobe ee salka ku heysa diidmada xasaanad ka xayuibintii xildhibaan Abiib.
Dhinaca kalena, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka mudane Abshirow iyo xildhibaano la socda ayaa bilaabay kulano wafatashi ah uu la leeyahay xildhibaanada ku kacsan gudoomiye Aadan Madoobe, isagoo xalay u hoyday xildhibaan Caana Nuug oo fal aflagaado ah kala kulmay gudoomiyaha golaha shacabka.
Lama oga waxa isbedeli doonna saacadaha soo socda, iyadoo beri aorshuhu yahay inuu dalla dib ugu soo laabto gudoomiye Aadan Madoobe oo shir ugu maqna dalla Aljeeriya.