20 qof oo Israel ah oo lagu dilay duqeymaha Iran tan iyo Jimcihii
Jun 16 (Jowhar)-Sida aan hore u shaacinah, Shab qof ayaa lagu dilay Israa’iil, ka dib duqeyntii ay xalay Iiran ku qaaday Israa’iil, sida laga soo xigtay waaxda gurmadka qaran ee Israa’iil.
Tani waxay tirada guud ee dadka lagu dilay Israa’iil ka dhigaysa ugu yaraan 20 qof tan iyo Jimcihii markii ay labada dhinac bilaabeen inay weerarro qaadaan.
Adeegga gurmadka ayaa sheegaya inay daad gureeyeen 92 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jirto haweenay 30 jir ah oo xaaladdoodu halis tahay, kuwaas oo wejiga dhaawacyo ka gaaray, lix xaaladood oo dhexdhexaad ah iyo 85 dhaawacoodu fudud yahay.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Iran ayaa Axaddii sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ku dhinteen 224 qof guud ahaan dalkaas tan iyo Jimcihii.