Qaramada Midoobe oo ka walaacsan tobanaan Kun qof oo daadad ku saameeyeen Soomaaliya
May 03 (Jowhar) Hay’adda arrimaha bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegtay in daadad ay gudaha Soomaaliya ku saameeyeen tobnaan kun.
Tan iyo 15-kii April, ayay hay’addu sheegtay in in ka badan 45,000 oo qof ay saameeyeen, iyadoo afar qof ay ku dhimatay, ayna saddex carruur yihiin.
Sidoo kale 28-kii April ayay hay’addu sheegtay in webiga Shabeelle ee Jowhar uu qararka jabsaday, kuna qasbay in ka badan 6,000 oo qof inay dhulalka sare ka sameystaan hoy ku meel gaar ah.
Dhanka maamul-goboleedka Galmudug, daadad ayaa iyagana qeybo ka mid ah Gaalkacyo ku saameeyay in ka badan 9,500 oo qof kuwaasoo markoodii horeba barakacayaal ahaa kuna jiray guryo ku meel gaar ah.
Daadadkan ayaa kusoo aadaya iyadoo hay’adaha bani’aadannimada, gaar ahaanna kuwa aan dowliga ahayn ay saameeyeen jaridda deeqaha.
Bilihii lasoo dhaafay, hay’ado badan oo Soomaaliya ka howlgala ayaa ku qasbanaaday inay hakiyaan gargaarkoodii.