Qaramada Midoobe oo ku baaqday in lasii wado gargaarka Qaza
Jun 09 (Jowhar) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhowrista xaquuqda aadanaha dhulalka la haysto ee falastiin, Francesca Albanese, ayaa ku boorrisey kooxaha doonleyda ah ee u halgamaya jabinta cuneqabateynta Israa’iil ay ku hayso Qasa in ay sii wadaan dadaalkooda.
“Ayadoo la dalbanayo in doonta Madleen si degdeg ah loo sii daayo, haddana waxaa loo baahan yahay in la sii wado gurmadka lagu tiigsanayo dadka tabaaleysan. Deked kasta oo ku taal badda Mediterranean-ku waa in ay dirtaa doomo la isku garab taagayo Qasa, haddii ay garbo siman u shiraacdaan lama joojin karo” ayey ku tiri Albanese hadal kooban oo ay ku qortay barta X.
Wakiilka Wakiilka Gaarka ah ee QM waxay sidoo kale dowladda UK ugu baaqday in ay sharraxaad “degdeg ah ka dalbato Israa’iil islamarkaana ay xaqiijiso sii deynta doonnida iyo dadka saran”.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda falastiin ee fadhigeedu yahay Daanta Galbeed ee wabiga Urdun ee Israa’iil haysto ayaa ku baaqay in la dhowro dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuda aadanaha ee la socda doonida Madleen.
War lagu daabacay barta X ayey wasaaraddu ku bogaadisey isgarab-taagga Gaashaanbuurta Doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda, ku waas oo ciidammada Israa’iil ay ka hor-istaageen in ay sahay gargaar ah gaarsiiyaan marinka Qaza ee go’doonka ku jira.