Haweeney iyo Nin gaari ku waday oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo
Jun 08(Jowhar)Fiidnimadii xalay, koox dablay hubaysan ah ayaa magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaalada, ku dishay nin dhalinyaro ah oo darawal ahaa iyo haweeney uu taxi ahaan usoo qaaday, xilli ay kasoo baxayeen beerta dalxiiska ee Bilan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada qof ay saarnaayeen gaari, waxaana weerarka ka badbaaday wiil yar oo uu darawalku dhalay, kaasoo la socday gaariga xilliga la weeraray.
Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaas, mana jirto cid sheegatay falka.
Laamaha ammaanka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaan weli ka hadlin dhacdadan.
Dilalka aanooyinka qabiilka salla ku haya waa ay kusoo badanayaan gobolka Mudug, waxeyna dadka dalbanayaan in maamulka magaalada uu tilaabo deg deg ah qaado oo la qisaaso kuwa ficiladaas foosba xun geysanaya.