Dowladda oo sheegtay iney 25 Shabaab ah ku dishay howlgal ka dhacay Sh.hoose

Jun 08(Jowhar)Guutada Danab ee  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida dowladda ay sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Shabaab adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG (Dabajeex) iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More