Wadahadalkii hubka Nukliyeerka Iiraan oo dib loo dhigay
May 02(Jowhar) Wareegii afaraad ee wadahadalka Iran iyo Mareykanka oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa dib loo dhigay.
Iran waxay sheegtay in labada dal oo ay weheliso Cumaan, oo ah dawladda dhexdhexaadineysa, ay go’aansadeen in dib loo dhigo shirkii Sabtida ee Rome “sababo la xiriira saadka iyo farsamada”. Maraykanku waxa uu sheegay in aan wali la xaqiijin wakhtiga wada hadalka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii ku hanjabay tallaabo ka dhan ah kuwa iibsada saliidda Iran ama batroolka, ka dib markii Washington ay cunaqabateyn cusub ku soo rogtay toddobaadkan shirkado ay ku sheegtay inay xiriir la leeyihiin Tehran.
Trump ayaa ka baxay heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee Iran iyo shanta quwadood ee kale ee caalamka sanadkii 2018-kii.Wuxuu in badan sheegay in la gaari doono heshiis “ka wanaagsan kaas uu ka baxay”
Waxa uu hore uga digay in la qaado tillaabo ciidan, haddii wadahadalladan cusub, oo billowday bishii April, lagu guul-darraysto.
Labada dhinac ayaa ku tilmaamay wadahadalkii ugu horeeyay ee ka dhacay caasimadda Cumaan ee Muscat mid wax dhisaya.