Nin hubaysan oo afar ruux ku dilay bangi ku yaal magaalada Louisville ee dalka Maraykanka

Apr. 10 (Jowhar.com)-Afar qof ayaa lagu dilay, lix kalena isbitalka ayaa la dhigay, toogasho ka dhacday bangi oo ku yaalla magaalada Louisville, gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen booliska.
Ninka hubaysan ayaa waxaa toogtay oo dilay askar booliis ah oo goobta si dhaqso ah ku tegey sida uu sheegay Jacquelyn Gwinn-Villaroel, oo ah madaxa ku-meel-gaarka ah ee Waaxda Booliska Metro ee Louisville.

Connor Sturgeon, oo 23 jir ah oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa ninkii hubaysnaa ee toogashada wadareed ka geystay magaalada Louisville, waxaana uu muddo sannad ka badan ka shaqaynayey uu toogashada ka fuliyay.

Dhacdadan ka dhacday Louisville, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 630,00 oo qof oo ku taal waqooyiga Kentucky, ayaa ah toogasho wadareedkii ugu dambeeyay ee ka dhacda dalka Maraykanka.

Dabayaaqadii bishii hore, nin toogasho ka fuliyay xarun waxbarasho oo ku taal magaalada Nashville, Tennessee ayaa ku dilay saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn.

Shabakad diiwaangelisa toogashada Mareykanka, ayaa soo warisay 145 toogasho wadareed oo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhacday dalka Maraykanka sanadkan 2023ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More