Goobaha Ganacsiga magaalada Jowhar oo maalintii 2aad xiran

Goobaha ganacsiga kala duwan ee magaalada Jowhar ayaa xiran maanta maalintii labaad kadib markii ay amar ku soo rogeen ururka Alshabaab.

Ganacsatada magaalada Jowhar ayaa lagu amray inay xiraan goobahooda ganacsi ayna yimaadaan magaalada Aadan Yabaal oo xarunta maamulka Alshabaab ee gobolka Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ayaa gaaray magaalada Aadan Yabaal kuwaasoo maamulka Hirshabelle uu qufulo saaray xarumaha ganacsiga ay lahaayeen ganacsatada aaday magaalada Aadan Yabaal una hoggaansatay amarka Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle oo ku aadan xaalada ay ku sugan tahay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More