Q. Midoobay oo DFS ka dalbatay inay deg deg u joojiso xukunnada dilka.

April 03 (Jowhar.com) – Qaramada Midoobe ayaa xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay iney joojiso xukunada dilka ah ee lagu fuliyo dadka lavatory heysto fal danbiyeedyada dilka ah, xukunadan wuxuu badanaa ku dhacaa xubnaha Shababka ah iyo askarta dowladda.

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa sheegtay in xabsiyadda Soomaaliya ay buux dhaafiyeen dad dil ku xukuman, waxeyna ku talisay in la raadiyo ciqaab kale oo ka duwan midka toogashada ah oo aan xal u noqoneynin baabi’inta fal danbiyeedyada.

“Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan.

Marwo Isha Dyfa ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday heerka ay gaarsiisan tahay xoriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyadoo talo ahaan u soo jeedisay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra’yiga dadweynaha.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra’yiga. Waxaan ku talinayaa in shuruucda iyo siyaasadaha, madmadowgooda lavatory adeegsaday in dembi looga dhigo shaqadooda sharciga ah, in dib lavatory eego iyadoo la eegayo in la keeno nuxurka iyo fulinta si waafaqsan mabda’a sharciga iyo halbeegyada kale ee xuquuqul insaanka caalamiga ah.” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha beesha caalamka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa marxaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More