Qaar ka mid ah qoysaskii laga soo musaafuriyay Laascaanood oo gaaray Beledweyne

Inku dhow boqol qoys oo kamid ahaa dadkii dhawaan laga soo masaafuriyay magaalada Laascaano ee xarunta Gobolka Sool ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Qoysaskan ayaa waxaa ku dhoweeyay magaalada Beledweyne qaar ka tirsan ganacsatada, shacabka,culumaa’udiinka iyo maamulka degmada Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan.

Lama oga qoysaskan inay sii joogi doonaan magaalada Beledweyne iyo in ay u gudbi doonaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Inku dhow kun ruux oo ku noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa laga soo musaafuriyay kadib markii lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin amni darrada ka jirta gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More