War Deg-deg ah;Wasiirka Amniga Galmudug fiqi oo is casilay

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa iska casilay xilka Wasiirnimada uu ka hayay Maamulka Galmudug kadib markii uu soo kala dhex galay isfaham waa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Wasiirka Amniga Galmudug ku cadeeyay inuu istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug balse laguma cadeyn in laga aqbalay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu is casilaada uu ku shaaciyay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi;

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.
Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More