Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay

Qarax ismiidaamin ah oo ahaa qof waxyaabaha qarxa soo xirtay ayaa isku qarxiyay Saldhigga Booliska degmada Waaberi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa  sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo saldhigga la weeraray uu ku yaallo wadada muhiimka ah ee maka almukarama.

Allaha u naxariistee Taliyaha Saldhigga Waaberi Axmed C/llaahi Baashane Calooley ayaa la sheegay inuu ku dhintay qaraxa.

Sidoo kale askar kale ayaa la sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More