Dubbe;”Ma jiro kulan ay dalka Qatar ku yeelanayaan Farmaajo iyo Uhuru”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bushada oo sheegayey in Madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya ay dhowaan ku kulmayaan magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa ayuu wasiir Dubbe ku sheegay in laga shaqeynayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya balse aysan jirin haatan kulan ay yeelanayaan labada Madaxweyne.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiir Dubbe ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aysan waxba ka jirin in dowlada Soomaaliya ay ka laabanayso dacwada badda ee kala dhexeysa dowlada Kenya.

“Arrinka Badda Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda. Soomaaliya Hanoolaato”.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirkeeda diblumaasiga la soo ceshatay dowlada Kenya kadib markii ay dhexdhexaadin ka gashay dowlada Qatar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More