Qoraa u dhashay dalka Tanzania oo ku guuleystey Abaalmarinta Suugaanta

Abdulrazak Gurnah oo ah qoraa u dhashay dalka Tansaaniya ayaa ku guuleystey Abaalmarinta Nobel Suugaanta sannadka 2021 -ka.

Gurnah ayaa abaalmarinta ku guuleystey kadib buugaag uu ka qoray saameynta gumeysigii reer Yurub ee qaarada Afrika.

Abaalmarinta oo ay bixiso Akadeemiyada Sweden waxay qiimiheedu tahay 10 milyan oo taaj Swedish ah ($ 1.14m / £ 840,000).

Gurnah, oo 73 jir ah, waxa uu qoray 10 sheeko, oo ay ku jiraan Paradise and Desertion. “Jannada iyo Cidlada.”

Qoraagan ayaa la yaab ku noqotay inuu ku guuleystey abaalmarintan caalamiga ah; “Waxay ahayd arrin la yaab leh oo dhab ah inaan sugo ilaa aan maqlo in lagu dhawaaqay kahor intaanan rumaysan.”ayuu yiri

Wuxuu sheegay qoraagan in abaalmarintiisu ay la macno tahay arrimo ay ka mid yihiin dhibaatada qaxootiga iyo gumeysiga, oo uu soo maray.

“Kuwani waa waxyaabaha maalin walba nala socda. Dadku way dhimanayaan, dad ayaa lagu dhaawacay adduunka oo dhan – waa inaan arrimahan si naxariis leh wax uga qabannaa,” ayuu yiri.

Wuxuu ku dhashay qoraagan Zanzibar 1948, Gurnah wuxuu qaxooti ahaan ku yimid England dabayaaqadii 1960kii.

Wuxuu ahaa Professor -ka Ingiriisiga iyo Suugaanta Postcolonial -ka ee Jaamacadda Kent, Canterbury, illaa hawlgabnimadiisii ugu dambaysay.

Gurnah waa qoraagii ugu horreeyay ee Afrikaan madow ah ee ku guuleysta abaalmarinta tan iyo Wole Soyinka 1986 -kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More