Rag lagu soo qabtay ka ganacsiga Qamriga oo maxkamad la soo taagay

Maxkamada dagmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ku riday saddax ruux oo ku eedeeysnaa ka ganacsiga qamriga kuwaas oo ay ciidamada amniga Puntland kasoo qabteen Dagmada Jarriiban ee gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdifitaax Maxamed Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyay eedeeymaha loo heysto sadaxda dhalinyaradaa ee maxkamda la horkeenay iyagona maxkamada horteeda ka hadlay ayaa qirtay in ay galeen danbiga lagu soo eedeeyay kuwaa oo codsaday in xukunkooda loo khafiifiyo.

Dhanka kale maxkamada degmada Gaalkacyo ayaa la horkeenay saddax eedeeysane kuwaas oo ay xeer ilaalintu kusoo eedeeysay in fal kufsi ah ay ka geysteen deegaanka Bacaadweyn ee dagmada Galkacyo ee Puntland iyadoona xeer ilaaliyaha maxkamada gobalka Mudug Cabdifitaax Maxamed Aadan uu soo oogay kiiska loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo cabdi naasir maxamed cali uu ku dhawaaqay xukunka iyadoona lagu xukumay dil toogasho ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More