Shir lagu dhexdhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble oo bilowday

Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u bilowday shir lagu dhex dhexaadinayo kadib markii khilaaf ka dhashay shaqo joojinta Agaasimihii Nabad Sugida uu soo kala dhexgalay.

Kulankan oo ka socda Madaxtooyada ayaa waxaa goobjoog ka ah Taliyeyaasha Ciidamada oo uu ku jiro Taliyihii KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe oo uu dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu wehliyo Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab oo ah saaxibkiisa.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeybgalaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo waan waan xalay ka dhex bilaabay labada dhinac.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in kulankan la filayo inuu ku soo biiro Guddoomiye Mursal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More