Ra’iisul wasaare Rooble oo furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, iyadoo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliy Maxamed Xuseen Rooble.

Sida macluumaadka la helayo ay muujinayaan, Shirkan ayaa maanta ah furitaan, iyadoo labada maalin ee soo socota si toos ah loo guda geli doono ajandayaasha shirka sida dardargelinta doorashooyinka, amniga iyo sixitaanka habraacyada doorashada.

Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble oo faafiyay sawirrada shirkan, ayaa raja ka muujiyay inuu mira dhalo fadhigan oo ku soo aaday xili xasaasi ah oo khilaafaad culus ay hareeyeen arrimaha doorashooyinka dalka

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.

Si kastaba, rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmaya ayaa ah mid yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagai doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo Farmaajo, kuwaasoo qeyb ka ah ajendayaasha lagu jeex jeexayo shirkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More