Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay ergeyga dalka Qatar Al- Qahtani

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka, dadaalada Qatar ku dooneyso in lagu dhammeeyo kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo sidii Soomaaliya doorasho nabdoon uga dhici laheyd, waxaana Qatar balanqaaday inay garab istaagi doonto dadaalada uu Ra’iisul Wasaaraha.

Ergeyga ka socda dowladda Qatar oo xalay ku hoyday Muqdisho ayaa maanta kulamo la yeelanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Mucaaradka, xubno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Dr Mutlaq Al-Qahtani ayaa xubnaha uu la kulmayo waxaa ka mid ah Midowga Musharaxiinta, kulankan oo caawa ka dhacaya Hotelka Decale ayaa noqon doona kii u horreeyay ee mas’uul sare oo ka socda Qatar la yeesho Mucaaradka dowladda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More