Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kala hadlay danjiraha UK arrimaha amniga iyo xasilinta

Aug. 07 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Kulankan ayaa waxaa ay ra’iisul wasaaraha iyo danjiraha ugaga hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaanada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Dowlada UK ayaa ka mid ah dalalka dowlada Soomaaliya ka caawiya arrimaha amniga waxana kulankan uu ku soo beegmay xilli ay dowlada Soomaaliya dooneyso inay ka saarto dagaalamayaasha Alshabaab degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More