Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Guddi Gurmad Qaran ee Dhul-Gariirka Turkiga

Feb. 15 (Jowhar.com-)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay guddi ka kooban 11 xubnood oo ay ku jiraan Wasiiro,culumaa’udiin iyo xubno kale.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii warka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu xusay in Ra’iisul Wasaaruhu uu la tashaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.”

Halkan hoose ka aqriso magacyada guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse;

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi
3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
6. Suldaan Cabdiqani Qorane
7. Cumar Xasan Maxamed
8. Axmed Maxamuud Yuusuf
9. Axmed Shirwac Maxamed
10. Duniya Maxamed Cali
11. Prof. Xuseen limaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More