Xamse Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Spain

Feb. 15 (Jowhar.com-)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde.

Kulankan ayay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Lindgärde ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda iyo xasilloonida, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga Sweden ay u muujinayso dalkeenna.

Danjire Per Lindgärde ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna soo bandhigay in dalkiisa ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More