Ra’isul Wasaare Rooble oo kala hadlay doorashoyinka Duqeyda Banaadiriga iyo Guddiga doorashada

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku soo bandhigay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay taladooda iyo aragtidooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu u tixgeliyey talooyinkooda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xasilloon oo ka tarjumeysa hannaanka hab-qeybsi ay heshiis ku yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More