Ra’isul Wasaare Rooble oo u ambabaxay wadanka Boqortooyda Sacudi Carabiya

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagooo kusii jeeda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu u tegi doonaa labada Xaram ee Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More