Rooble oo amray bixinta 12 Milyan loogu gurmanayo dabkii Hargeysa

April 03 (Jowhar.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah qasnada dowladda looga saaro lacag kudhow 12 Milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo loogu gurmanayo dadka Somaliland ee saameysay dabkii baabi’iyay Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay cadada lacagta oo dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) ay qeyb ka tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland ee la soo mariyo dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah bathroom fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Fb ee xafiiska Rooble.

Dabka baabi’iyay Suuqa weyn ee Waaheen ayaa qiyaasta hantida ku baaba’day lagu sheegay iney gaareyso Laba Bilyan oo doolar, Suuqa wuxuu ku fadhiyay 5KM, mana jirin hanti badbaaday, maadaama dabla uu socday mudo kabadan 12 saacadood oo xiriir ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More