Rooble oo ka digey in abaarta dalka ka jirto ay noqoto mid halis ah

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo diiradda lagu saarayo sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee dalka ka jira.

Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada, waxaana ujeedkiisu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Dalka Soomaaliya iyo wadamo kale oo ku yaal Bariga Afrika ayaa laga deyrinayaa abaaraha ka jira waxaana ay saameyn ku yeelatay malaayiin ruux oo ku nool gobolada ay abaartu ku dhufatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More