Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Amray baarista heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in la baaro heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaas oo uu ka horyimd Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayuu ku sheegay in uu xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee
uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Ray’iisul wasaarah XFS oo ka hor yimid heshiiskas ayaa amray in baaritaano lagu sameeyo heshiiskasi isagona hantidhowraha Qaranka iyo xeer ilaalinta faray in baaris rasmi ah lagu sameeyo heshiiska shidaal ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More